Home Wararka Ciyaaraha Isku Aadka Semi-finalka Carabao Cup Oo La Soo Saaray, Kooxo Waaweyn oo...

Isku Aadka Semi-finalka Carabao Cup Oo La Soo Saaray, Kooxo Waaweyn oo isku aaday

0

Arsenal ayaa la ciyaari doonta Liverpool halka Chelsea ay wajihi doonto Tottenham semi-finalka Carabao Cup.

Kulamada semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa labo lug, inkastoo wararka ay sheegayaan in laga yaabo in laga dhigo hal kulan.

Lugta koowaad ee kulamada semi-finalka waxaa la dheeli doonaa 3da bisha Janaayo halka lugta labaad ka dheeli doono 10ka bisha Janaayo, halka finalka lagu ciyaari doono garoonka Wembley 27ka bisha Febraayo.

Kulanka London Derby ee u dhaxeeya Chelsea iyo Tottenham waxa uu noqonayaa ku celiska finalkii 2015 markaasoo goolal ay kala dhaliyeen John Terry iyo Diego Costa ay Blues ku badisay 2-0.

Liverpool ayaa tartankaan ku guuleysatay sideed jeer laakiin kuma aysan guuleysanin tan iyo sannadkii 2012, halka Arsenal aysan ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1993kii.

Kooxda koobka heysata haatan ee Manchester City oo afartii sannadood ee ugu danbeysay ku guuleysatay waxaa wareega afaraad ku soo reebtay West Ham.

Liverpool ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka gaartay Leicester kulankii sideed dhamaadka kaasoo ku dhamaaday barbaro 3-3 ah 90kii daqiiqo ee ciyaarta ka hor inta aysan ku badinin rigoore 5-4 ah iyadoo goolhaye Caoimhin Kelleher uu badbaadiyay labo rigoore ka hor inta uusan Diogo Jota dhalinin rigoorada guusha.

Kooxda ay la ciyaarayaan semi-finalka waxay habeen hore ka soo badisay Sunderland oo ay 5-1 ku soo xasuuqeen.

Chelsea waxay labo gool oo soo daahay kaga badisay Brentford iyagoo uga mahadcelinaya gool uu iska dhaliyay Pintus Jansson iyo rigoore uu saxiixay Jorginho.

Tottenham oo ay semi-finalka isku arkayaan waxay 2-1 kaga soo badisay West Ham. Spurs kuma guuleysanin koobkaan tan iyo 2008dii markaasoo ay 2-1 kaga badiyeen Chelsea ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Dimitar Berbatov iyo Jonathan Woodgate.

Previous articleChelsea oo war kasoo saartay Xaalada Labada ciyaaryahan ee Hudson-Odoi, iyo Lukaku
Next articleKooxaha Manchester City iyo Barcelona oo War Cusub ka helay Xidiga Xavi Simons Ee Paris Saint-Germain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here