Isku Aadka Semi-finalka UEFA Nations League Oo La Soo Saaray & Kulamo Xiiso Leh Oo Ka Soo Baxay

Photo/ Getty image and Goal

Xulka Talyaaniga ayaa wajihi doona Spain semi-finalka UEFA Nations League oo la ciyaaraya 6da bisha October 2021 halka xulka Belgium ay wajihi doonaan France 7da bisha October.

Isku aadka semi-finalka Nations League ayaa galabta lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland iyadoo koobka lagu qabanayo dalka Talyaaniga inta u dhaxeysa 6da ilaa 10ka bisha October 2021.

Azzurri ayaa u soo baxday semi-finalka ka dib markii ay u sarre mareen group ay ku jireen Poland, Netherlands iyo Bosnia-Herzegivuna.

Waa markii labaad oo la qabanayo tartanka kama danbeysta UEFA Nations League iyadoo sannadkii hore ay ku guuleysatay xulka Portugal.

Italy ayaa tartankaan fureysa iyagoo garoonka San Siro kula ciyaaraya xulka Spain 6da bisha October ee sannadka danbe.

Belgium iyo France ayaa iyagana iska horimaanaya 7da bisha October iyagoo ku dheelaya garoonka Allianz Stadium ee kooxda Juventus.

Kulanka kaalinta seddexaad iyo kulanka finalka labaduba waxaa la ciyaari doonaa hal maalin oo ah 10ka bisha October.

Isku Aadka Semi-finalka UEFA Nations League:

Italy vs Spain (6 October 2021)

Belgium vs France  ( 7 October 2021)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*