Home Horyaalada Kale Isku Aadka Wareega 8-aad ee FA Cup: Man United oo wajihi doonta...

Isku Aadka Wareega 8-aad ee FA Cup: Man United oo wajihi doonta Leicester, Man City oo booqan doonta Everton

0
Leicester City vs Manchester United ayaa isku arkidoona wareega 8da ee FA Cup xilli ciyaareedkan ka dib isku aadka sideed dhamaadka.

Kooxda Ole Gunner Solskjer, oo 12 jeer ku guuleysatay koobka, ayaa garaacday West Ham waqtigii dheeriga ahaa ee Talaadadii, waxaana ay booqan doonaan Leicester City.

Everton, oo ka badisay Tottenham kulan xiiso leh oo leeska dhaliyay sagaal gool ayaa Goodison Park kula ciyaari doonta hogaamiyaasha Premier League ee Manchester City.

Isku aadka oo buuxa:

Everton vs Manchester City

AFC Bournemouth vs Southampton

Leicester City vs Manchester United

Barnsley / Chelsea vs Sheffield United

Waqtiga la ciyaarayo wareegga siddeedda, semi-finalka iyo Finalka

Wareegga siddeedda waxa la kala ciyaari doonaa maalin Sabti ah oo ay bisha saddexaad ee sannadkan tahay 20, halka wareegga semi-finalka ay naadiyada afarta ah ee soo baxaa dheeli doonaan hal maalin oo ah badhtamaha bisha kasii dambaysa ee April iyo Finalka oo 15 May loo qoondeeyey.

Wareegga siddeeda: Sabti 20 March 2021

Semi-finalka: Sabti 17 April 2021

Finalka: Sabti 15 May 2021

Previous articleManchester United oo Heshiis cusub ka saxiixeysa labo Xidig oo kooxda ka tirsan
Next articleKooxda Bayern Munich oo ku guuleysatay Koobka FIFA Club World Cup Dunidana Taariikh ka dhigtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here