Isku-aadka wareegga Afraad ee tartanka Carabao Cup ayaa lasoo saaray waxyar kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadii wareegga saddexaad, kaas oo ay tartanka ku macasalaameeyeen naadiyo la filayay inay meelaha dambe usoo gudbi doonaan.
Manchester United ayaa ka hadhay tartanka Carabao Cup iyadoo ka mid ahayd kooxaha loo saadaalinayay inay ku guuleysanayaan, halka Chelsea iyo Tottenham ay kusoo baxeen rikoodheyaal, halka Arsenal ay guul weyn kusoo gudubtay.
Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa Salaasadii soo gudbay, sidoo kalena Leicester City ayaa si fudud ku timid marxaladdan.
Kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadan ayaa waxa la sameeyey isku-aadka wareegga xiga oo la ciyaari doono October 25, waxaana isku-beegmay 10 kooxood oo horyaalka Premier League ka ciyaara, taas oo ka dhigan in shan ciyaarood oo aan waxba la iskula hadhi doonin ay kooxaha heerka koowaad ku dagaallami doonaan.
Arsenal ayaa waxay martigelin doontaa Leeds United, halka Chelsea ay qaabbilayso Southampton, sidookalena Manchester City ayaa u tegi doonta West Ham United oo ah kooxdii reebtay Manchester United.
Liverpool ayaa ku beegantay kooxda heerka labaad ee Preston.
Isku-aadka wareegga afraad ama 16-ka Carabao Cup oo dhamaystiran
Chelsea v Southampton
Arsenal v Leeds
Stoke v Brentford
West Ham v Man City
Leicester v Brighton
Burnley v Tottenham
QPR v Sunderland
Preston v Liverpool.