Ivory Coast 0-0 Masar: Xulka Faraaciinta oo ku soo baxay Rigoorayaal 4-5.

Eric Bailly ayaa rigoore ka qasaariyay xili xulka qaranka Masar oo u soo baxay wareega 8-aad ee koobka qaramada Afrika kadib markii ay rigoorayaal ku garaaceen Ivory Coast.

Ciyaartii ugu badneyd ee taariikhda tartanka – waa markii 11-aad ee ay labadaan kooxood kulmaan Xulka Masar ayaa u suura gashay inay 5-4 ugu guuleysto ciyaartii ka dhacday Douala ka dib 120 daqiiqo oo gool la’aan ah.

Sagaashankii daqiiqo ee ugu horeeyay ee labada koox ayaa ku soo dhamaaday 0-0 waxana labada xul ay abuureen fursado muhiim ah-.

Goolhayaha Masar Mohamed El Shenawy ayaa kubad madax ah ka badbaadiyay Sebastien Haller laakiin waxaa lagu bedelay labo daqiiqo oo waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta ka dib dhaawac soo gaaray.

Xulka Masar ayaa iska Xaadiriyay wareega Sideed dhamaadka ee Koobka Qaramada Africa halka Ivory Coast ay iskaga hartay koobkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*