Ivory Coast, Tunisia iyo Xulalka kale ee Xalay u soo Baxay Wareega 16-ka ee Koobka Qaramada Afrika

Ivory Coast ayaa u soo baxday wareega 16-ka ee koobka qaramada Afrika waxayna u dirtay xulka difaacanayay koobka ee Algeria kadib markii ay 3-1 ku garaacday Algeria garoonka Japoma Stadium.

Algeria ayaa u baahneyd guul si ay tartanka ugu sii jirto, laakiin kooxda difaacaneysa koobka ayaa u safartay dalkooda ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta ugu hooseysa Group E.

Isla Guruubkan Gool uu dhaliyay Pablo Ganet ayaa 1-0 kaga badiyeen xulka Sierra Leone iyadoo Equatorial Guinea ay ku biirtay Ivory Coast oo u soo baxday wareega 16ka koobka qaramada Afrika iyagoo ka soo baxay Group E.

Labadan kooxood ayaa ogaa guul ay ku gaadhaan Limbe inay u gudbi doonto wareega xiga, Iban Salvador ayaana Goolkaasi ka Caawiyay.

Group F

Daqiiqadii 93-aad ee ciyaarta gool cajiib ah oo uu u dhaliyay Ablie Jallow ayaa Gambia si lama filaan ah 1-0 uga badisay Tunisia, inkasta oo labada xulba la hubiyay in ay u soo bixi doonaan wareega 16ka ee koobka qaramada Afrika iyada oo aan loo eegin guuldarada.

Gambia ayaa ciyaarta badisay iyadoo kaalinta koowaad ee Group F ay ku soo baxday farqiga goolasha ee Mali oo 2-0 uga badisay Mauritania, waxayna wareegga 16-ka la ciyaari doontaa Guinea, halka Tunisia oo ku jirta kaalinta saddexaad ay wajihi doonto Nigeria.

Kulamada kale Mali ayaa ku soo baxday kaalinta kowaad ee Group F ee koobka qaramada Afrika ka dib markii ay 2-0 kaga badisay Mauritania kulankoodii u dambeeyay.

Eagles-ku ayaa ay u baahneed si fudud natiijada Gambia si ay u hogaamiyaan kala sareynta,waxana ay sidaas sameeyeen iyadoo ay 1-0 kaga soo badiyay Tunisia.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*