Jack Grealish oo sheegay in khabiirka Premier League Graeme Souness uu shaqsi ahaan neceb yahay

Photo Reuters

Jack Grealish ayaa aaminsan in khabiirka Premier League Graeme Souness uu shaqsi ahaan neceb yahay ka dib markii halyeeyga Liverpool uu mar kale weeraray xiddiga Man City todobaadkan.

Souness oo ka hadlayay idaacada talkSPORT ayaa ku weeraray weeraryahanka Manchester City Talaadadii isagoo sheegay in xiddiga Ingariiska uusan wax horumar ah sameynin tan iyo markii uu rikoodh 100 milyan ginni ah ku tagay Etihad Stadium sannadkii 2021.

Bishii July, Graeme Souness ayaa sidoo kale sheegay in Grealish uusan aheyn mid si dhaqso ah wax u baran kara.

Xiddiga Ingariiska ugu qaalisan ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka xulka England ay la ciyaareyso Talyaaniga, laakiin waxa uu ka xanuunsaday weerarada uga imaanaya Graeme Souness iyagoo 27 jirkaan uu yiri:

“Ma garanayo waxaan ka sameeyay isaga. Mar walba wax ayuu iga sheegaa” ayuu yiri xiddigii hore ee Aston Villa.

“Waxaan isku dayaa inaan wax badan akhrinin eedeymihiisa. Waa ay adag tahay in la iska dhegotiro marka uu ka hadlayo Sky Sports sababtoo ah xarunta tababarka meel walba ayuu Sky Sports ka daaran yahay.

“Dabcan wuxuu soo ahaa ciyaaryahan weyn oo wax badan ku soo guuleystay laakiin ma garabnayo sababta uu mar walba wax iiga sheego ama sababta uu ii neceb yahay.

“Awoodeyda waan garanayaa. Waan ogahay inuu hadda ka hor igu eedeeyay inaan kubada si degdeg ah u dhaqaajinin, laakiin marka aad u ciyaareyso tababare sida Pep Guardiola oo ii sheegaya inaan kubada ceshado oo aan yeesho xiniinyaha aan meel walba ugu dhaqaajin karo, taladiisa ayaan raacayaa.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*