Home Warar Ciyaaraha Maanta Jadon Sancho oo kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Chelsea ku soo bandhigay qaab...

Jadon Sancho oo kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Chelsea ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah

0

Jadon Sancho ayaa kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Chelsea ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray chelsea.

Sancho ayaa ciyaaray kulankii ay kooxdiisu ka badisay Bournemouth isaga oo ciyaaray qaybtii dambe ee ciyaarta.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee England ayaa si lama filaan ah ugu wareegay Chelsea amaah uu kaga yimid Manchester United maalintii ugu dambeysay ka dib seddex sano oo uu joogay Old Trafford.

Kadib markii uu ciyaaray daqiiqadihiisii ugu horeeyay ee kooxda chelsea, Sancho ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta.

Sancho ayaa sheegay in uu raaxo ku dareemayo kooxda chelsea marka loo eego kooxda Man United.

“Waa wax cajiib ah in aan kulankaygii ugu horeeyay ciyaaray, aad ayaan u faraxsanahay”ayuu yidhi.

“Waxa aan raaxo ku dareemayaa halkan waxa aan helay soo dhawayn cajiib ah”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here