Jadon Sancho oo weli bartilmaameed u ah Manchester United

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in weli xiiseyneyso xidiga Borussia Dortmund Sancho si uu ugu soo biiro Old Trafford.

Red Devils ayaa si xoogan loola xiriirinaayey ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay laakiin ma aysan la heshiin BVB dhanka lacagta.

Sancho wuxuu si tartiib tartiib ah ugu bilaawday ololihii 2020-21 laakiin wali wuxuu gacan ka gaystay 12 gool 16na wuu caawiyay 31 kulan oo heer kooxeed ah xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa la sheegayaa inay dooneyso inay daafac dhexe iyo weeraryahan cusub keento kooxda xagaagan, laakiin sida laga soo xigtay Eurosport , Sancho ayaa weli ku jira liiska bartilmaameedka kooxda.

Hase yeeshee, warbixinta, ayaa sheeganeysa in Dortmund ay tahay mid qiimeen karta dalab kasta oo laga gudbiyo xidigan.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa la sheegay inay 20 jirkaan dul dhigtay 107 milyan oo ginni sanadkii la soo dhaafay, laakiin kooxda ayaa wajaheysa suurtagalnimada inay seegto xilli ciyaareedka soo socda Champions League, halka dhaqaalahooda ay hoos u dhacday sababtoo ah coronavirus xanuun dilaacitaan.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester City ayaa qandaraas kula jira kooxda Signal Iduna Park ilaa June 2023.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*