Jamaahiirta Liverpool oo rajo weyn ka qaba in Virgil Van Dijk oo dib ugu soo laabto garoomada

Virgil van Dijk ayaa u soo bandhigay taageerayaasha Liverpool rajo muuqaal muuqaal ah oo muujinaya horumarka rajada leh ee ka soo kabsashadiisa dhaawacii halista ahaa ee jilibka.

29 jirkaan ayaa dhaawac ka soo gaaray jilibka muruqa lugta kulankii Merseyside derby bishii October waxaana markii hore laga cabsi qabay inuu seego qeyb weyn oo ka mid ah xilli ciyaareedka.

Van Dijk ayaa lagu sameeyay qaliin lagu guuleystay oo ku saabsan dhaawaca waxaana fiidiyoow la soo dhigay baraha bulshada Isniintii, qiyaastii toddobo toddobaad ka dib markii qalliinka lagu sameeyay, waxaa la arkaa isaga oo kubbada mooleynaa markale.

Fiidiyowga waxaa lagu soo qoray ‘tallaabo tallaabo’ oo dhexdeeda, Van Dijk wuxuu kubbada ku soo celinayaa labada lugood wuxuuna sameynayaa laad, sidoo kale wuxuu la shaqeynayaa culeysyo iyo kooxo iska caabin ah.

In kasta oo aan la cayimin waqtiga saxda ah ee uu soo laaban doono, haddana taageerayaasha Reds waxay ku rajo weyn yihiin in xiddiggooda uu ku soo laaban doono garoomada sida ugu dhakhsaha badan.

Luminta xiddig daafaca ka ciyaara ayaa jahwareerin doonta kooxaha badankood, laakiin Liverpool ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysaneysay waxayna haatan fadhisaa kaalinta koowaad ee kala sarreynta kadib 14 kulan, iyadoo afar dhibcood ka horreysa kooxda kaalinta labaad ee Leicester City.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa wali saameyn ku leh daaha gadaashiisa waxaana uu ku sugnaa qolka labiska ka hor inta aysan kooxdiisa 4-0 kaga badinin Wolves horaantii bishaan.

Ciyaarta kadib, Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday in ninka ay dhalashada wadaagaan uu codsaday codsi gaar ah oo ku saabsan inuu gool dhaliyo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*