Home Warar Ciyaaraha Maanta Jamie Carragher oo ku adkaystay in kooxda ciyaartoyda badan ee Chelsea aanay...

Jamie Carragher oo ku adkaystay in kooxda ciyaartoyda badan ee Chelsea aanay ahayn mid sii waaraysa mustaqbalkeda fog.

0

Khabiirku waxa uu ku adkaystay in kooxda ciyaartoyda badan ee Chelsea aanay ahayn mid sii waaraysa mustaqbalkeda fog.

Jamie Carragher ayaa dhaleeceeyay siyaasada suuqa kala iibsiga ee Chelsea wuxuuna ku booriyay imaatinka mustaqbalka inay dib u eegaan ku biirista kooxda xagaagan.

Ka hor xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Enzo Maresca ee Stamford Bridge, Blues ayaa sii waday qarashgareyntedii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga, iyadoo sagaal ciyaartoy oo waaweyn ay hore u xaqiijiyeen.

Saxiixyo kale ayaa wali la filayaa ka hor inta uusan xirmin daaqada dhamaadka bishaan, iyadoo imaatinka Joao Felix ee Atletico Madrid la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo dhawaan.

Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka Leicester ay la ciyaarayeen Tottenham, Carragher ayaa ku adkeystay inuu ka walaacsan yahay sababta uu ciyaaryahan kasta u doonayo inuu isku dayo oo uu u tartamo boos ka mid ah koox markii horeba buux dhaafsaned.

Wuxuuna ku baaqay in Ciyaartoyda ay joojiyan saxiixa kooxdan maadama uu mustaqbalkodu ku baa’bayo oo aysan heli doonin waqti ay ku ciyaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here