Halyeeyga Liverpool ahna khabiirka kubbada cagta Jamie Carragher ayaa magacaabay dhibaatada ugu weyn ee uu wajahayo Ruben Amorim kulankiisa ugu horeeya ee Man United.
Amoirm, oo bedelay Erik ten ayaa hogaamin doona kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Axada marka ay la ciyaari doonaan kooxda Ipswich Town.
Tababaraha reer Portugal ayaa rajaynaya inuu si xoogan ku bilaabo isla markaana kooxdiisa ku hogaamiyo guul laakiin Carragher ayaa qaba in ay United kulan adag wajihi doonto.
Daaficii hore ee Liverpool ayaa aaminsan inay dhibaato weyn ku noqon karto Amorim in tababaraha Ipswich Kieran McKenna uu si fiican u yaqaan qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda United ka dib markii uu hore tababare uga soo noqday Old Trafford.
Kahor kulanka isbuucaan ee Suffolk, Carragher ayaa u sheegay The Telegraph:”Inaad ka hor timaado koox ku jirta 4-ta ugu hoosaysa waxa ay u muuqataa shaqo u fudud Amorim kulankiisa ugu horeeya”.
“Laakiin waxa aan qabaa in uu kulanku ka adkaan doono sida la filayo sababta oo ah Tababaraha Ipswich ayaa si fiican u garanaya Man United”