Home Warar Ciyaaraha Maanta Jamie Carragher oo qirtay inuu jeclaan lahaa in Liverpool ay la soo...

Jamie Carragher oo qirtay inuu jeclaan lahaa in Liverpool ay la soo wareegto Pedro Neto

0

Jamie Carragher ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa in Liverpool ay la soo wareegto Pedro Neto, isagoo ku tilmaamay saxiixa cusub ee Chelsea mid ka mid ah ciyaartoyda ugu sareeya Premier League.

Neto ayaa dhawaan ku biiray kooxda Chelsea waxana uu kulankiisii ugu horeeyay ciyaarya kulankii Man City ee Axadii.

Xiddiga reer Portugal ayaa wacdaro ka dhigay premier League isaga oo dhaliyay 14 gool 24 kalena caawiye ka noqday 135 kulan oo uu ciyaaray premier League.

Carragher ayaa jeclaa in uu xiddigu ku biiro kooxdiisa Liverpool waxana uu tilmaamay in uu noqon karo xiddig saamayn ku yeesha Chelsea.

“Waxa aan qabaa in uu yahay xiddig sare, kaliya dhaawacyada ayaa joojin kara”ayuu yidhi.

“Waxa aan runtii aad u jeclaa in uu noqon lahaa xiddig ku fiican Liverpool waana mid aan aad ula doonayay maaliyada Reds”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here