Home Warar Ciyaaraha Maanta Jamie Carragher oo shaaca ka qaaday cida uu aaminsan yahay in ay...

Jamie Carragher oo shaaca ka qaaday cida uu aaminsan yahay in ay ku guulaysan doonto horyaalka premier League

0

Jamie Carragher ayaa shaaca ka qaaday cida uu aaminsan yahay in ay ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxaha horyaalka ku xafiiltamaya ee Manchester City iyo Arsenal ay wada ciyaareen bar-baro aad u xiiso badan.

John Stones ayaa daqiiqadii 98-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka bar-baraha ee Man City kaas oo u xaqiijiyay in Man City ay ka fogaatay guuldaro ka soo gaadha Arsenal axadii waxayna sii wadatay guul daro la’aantii horyaalka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa doonaysa in ay ku guulaysato horyaalkii 5-aad oo xidhiidh ah premier League.

Natiijada ayaa keentay in ay Man City hogaanka u hayso premier League waxana ay hal dhibic ka horaysaa kooxda Liverpool halka ay 2 dhibcood ka ka sarayso Arsenal.

Carragher ayaa u arka kooxaha Man City, Arsenal iyo Liverpool inay yihiin saddexda kooxood ee ugu sarreeya England laakiin waxa uu aaminsan yahay in kooxda Pep Guardiola ay wali ugu cad-cadahay horyaalka ku guulaysigiisa.

“Waxaan qabaa inay la mid noqon doonto xilli ciyaareedkii hore oo Liverpool ay wax yar ka dambayso labadan kooxood”.

“Waxa aan aaminsanahay in Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka marka aad eego kooxda ay haysato”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here