Home Warar Ciyaaraha Maanta Jamie Carragher oo shaaca ka qaaday saadaashiisa xilli ciyaareedka cusub ee premier...

Jamie Carragher oo shaaca ka qaaday saadaashiisa xilli ciyaareedka cusub ee premier League

0

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa xilli ciyaareedka cusub ee premier League maalmo ka hor inta uusan bilaaban.

Horyaalka Ingiriiska ee 2024/2025 ayaa bilaabmaya Jimcaha soo socda iyada oo Man United la ciyaari doonto Fulham.

Jamie Carragher ayaa saadaaliyay sida ay u kala sarayn doonaan 6-da kooxood ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedka cusub.

Carragher ayaa Man City u saadaliyay ku guulaysiga horyaalka halka uu Arsenal u saadaaliyay kaalinta 2-aad.

Halyeeya Liverpool ayaa kooxdiisii hore u saadaaliyay kaalinta 3-aad halka uu Tottenham u saadaaliyay kaalinta 4-aad.

Sidoo kale Man United ayuu u saadaaliyay kaalinta 5-aad ee kala saraynta horyaalka premier League halka uu Aston Villa u saadaaliyay kaalinta 6-aad.

Carragher ayaa ku soo qoray bogiisa “X” Sida ay u kala sareeyaan saadaashiisa kooxuhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here