Home Suuqa Kala iibsiga Jamie Carragher oo u soo jeediyay Manchester United inay lasoo saxiixato Cole...

Jamie Carragher oo u soo jeediyay Manchester United inay lasoo saxiixato Cole Palmer xagaaga dambe

0

Jamie Carragher ayaa u soo jeediyay Manchester United inay lasoo saxiixan doonto xiddiga chelsea ee Cole Palmer xagaaga dambe.

Palmer ayaa muhiim ka noqday kooxda chelsea tan ilaa markii uu ku biiray kagana soo biiray Man City.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa dhaliyay 25 gool halka uu caawiye ka noqday 15 kale 45 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee chelsea.

Si kasta ha ahaatee Carragher ayaa rumaysan in uu Palmer ka tagi doono kooxda chelsea xagaaga dambe hadii xilli ciyaareedka liita ee chelsea sii socdo.

Daaficii hore ee Liverpool iyo England ayaa xitaa arki kara in ay Man United u dhaqaaqdo xiddiga isla markaas uu xaliyo dhibaatadooda.

“Wax ayaan ka fikirayaa”ayuu Carragher yidhi.

“Hadii Chelsea sii wado xilli ciyaareedkooda liita waxa aan saadaalinayaa in uu Palmer u dhaqaaqo Man United”.

“Palmer waxa uu si weyn u xalin doonaa Dhibaatada garabka ee Man United”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here