Home Horyaalka Germalka Jerome Boateng oo xor u ah inuu ka tago Bayern Munich xagaagan

Jerome Boateng oo xor u ah inuu ka tago Bayern Munich xagaagan

0

Hogaamiyaasha Bundesliga Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay u ogolaan doonaan daafaca Jerome Boateng inuu si xor ah kaga tago kooxda xagaagan.

32 jirkaan oo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal iyo Chelsea ayaa arki doona qandaraaskiisa haatan ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka ee Kicker , Bayern ayaa u sheegtay Boateng inuu ka tagi karo kooxda bisha June, iyadoo aan qandaraas cusub la soo bandhigin.

Daafaca ayaa muhiim u ahaa kooxda Hansi Flick ololahan, isagoo u saftay 30 kulan tartamada oo dhan kooxda reer Jarmal.

Bayern ayaa durbaba ogolaatay inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig Dayot Upamecano kaasoo kubiiri doona kooxda bisha July lacag dhan .38.5m, laakiin sidoo kale waxay qarka u saaran yihiin inay lumiyaan David Alaba oo bilaash ah markii qandaraaskiisu dhacayo June.

Tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester City toban sano ka hor, Boateng ayaa in ka badan 350 kulan u saftay kooxdiisa haatan, isagoo kula guuleystay sideed horyaal oo Bundesliga ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here