Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa beeniyay in kooxdiisa ay haatan wadahadalo kula jirto xidiga kooxda Borussia Dortmund Erling Braut Haaland .
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 67 milyan ginni dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana si weyn loo filayaa inuu ka tago kooxdiisa Jarmalka.
Tababaraha Barcelona Xavi ayaa la rumeysan yahay inuu Haaland kula kulmay Munich todobaadkii hore si uu ugala hadlo suurtogalnimada u dhaqaaqista Camp Nou inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, Laporta ayaa sheegay in kooxda Catalan aysan haatan wadahadalo kula jirin saxiixa 21 jirkaan, kaasoo sidoo kale la sheegay inuu bartilmaameed u yahay Real Madrid .
“Waan diiday in aan bilownay nooc kasta oo gorgortan ah Erling Haaland,” Laporta ayaa u sheegay Deportes Cuatro .
Haaland ayaa mar kale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigtay Dortmund intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 23 gool isla markaana diiwaan geliyay lix caawin 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Manchester United , Manchester City , Chelsea , Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya saxiixa xiddiga reer Norway xagaagan.