Home Wararka Ciyaaraha Joan Laporta oo ka hadlay go’anka Barcelona ee soo laabashada Lionel Messi

Joan Laporta oo ka hadlay go’anka Barcelona ee soo laabashada Lionel Messi

0
Ad

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu Lionel Messi ugu soo laaban karo kooxda isaga oo qaab ciyaareed ahaan ku jira.

Laacibka 7-da jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa lagu qasbay inuu macsalaameeyo La Blaugrana xagaagii lasoo dhaafay, iyadoo dhibaatada dhaqaale ee kooxda ay muddo dheer soo jirtay ay u suuro-geli wayday inuu sii joogo buugaagta.

Ad

Messi ayaa kaliya labo gool ka dhaliyay 18 kulan oo Ligue 1 ah isagoo xiran funaanada Paris Saint-Germain – sidoo kale wuxuu caawiyay 11 gool – lataliyaha Enric Masip ayaa dhawaan diiday inuu meesha ka saaro soo laabashada cajiibka ah ee Argentina ee Camp Nou.

“Ma jiro wax wada hadal ah oo uu Leo Messi kala yeelanayo dib ugu soo laabashadiisa Barca, xaqiiqadu waxay tahay in aanan ka fiirsanayn suurtagalnimadan.

Messi ayaa Barcelona kaga soo tagay 672 gool iyo 303 caawin 778 kulan oo uu saftay, waxaana lagu soo waramayaa inuusan wax rabitaan ah ka qabin inuu ka tago PSG xagaagan, isagoo qandaraaskiisa Paris ku eg yahay 2023.

Previous articleBarcelona oo xaqiijisay saxiixyada Franck Kessie, iyo Andreas Christensen
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Talaado Ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here