Home Wararka Ciyaaraha Joan Laporta oo ka hadlay go’anka ugu danbeeya ee ku aadan Frenkie...

Joan Laporta oo ka hadlay go’anka ugu danbeeya ee ku aadan Frenkie de Jong”

0
Ad

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa mar kale ku celiyay in kooxdu ay rabto Frenkie de Jong inuu sii joogo Camp Nou wixii ka dambeeya dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan.

Waxaa jiray hadal heyn baahsan oo ku saabsan mustaqbalka De Jong tan iyo dhamaadkii bishii May, iyadoo Manchester United la sheegay inay ka go’an tahay inay keento Old Trafford.

Ad

Red Devils ayaa dulqaad u leh marka ay timaado xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands, laakiin warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in kooxda ay sii xumaaneyso dib u dhigista heshiiska la soo jeediyay.

De Jong ayaa la sheegay in Barcelona ay ku leedahay lacag dhan 17 milyan ginni oo ah mushaarka dib loo dhigay, iyadoo kooxda reer Catalonia ay dooneyso inay xagaagan u dhaqaaqdo si ay u yareyso dhibaatooyinka dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, markii wax laga weydiiyay arrintan, Laporta ayaa dhowr jeer sheegay in kooxda La Liga ka dhisan ay dooneyso in ciyaaryahanka reer Holland uu sii joogo kooxda wax ka badan dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Previous articleAgaasimaha Bayern Munich oo ka hadlay wararka xanta ah ee Leroy Sane uu ku biiri karo Manchester United
Next articleMariano Diaz oo sii joogaya Real Madrid xagaagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here