Home Suuqa Kala iibsiga Joan Laporta oo shaaca ka qaaday in ka tagistii xiddiga khadka dhexe...

Joan Laporta oo shaaca ka qaaday in ka tagistii xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan ee kooxda uu ahaa go’aan

0

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa shaaca ka qaaday in ka tagistii xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan ee kooxda uu ahaa “go’aan dhinaca ciyaaraha ah.

Gundogan ayaa si la yaab leh uga tagay Camp Nou hal xilli ciyaareed ka dib, isagoo ku laabtay Man City.

Wararka ayaa sheegayay in ay sababta Ay Barcelona u iibisay Gundogan ay tahay sabab la xidhiidha mushaharkiisa oo aad u badan laakiin Laporta ayaa haatan sheegay in ay kooxdu isaga dirtay 33 jirka sabab la xidhiidh dhinaca ciyaaraha.

“Waa ciyaaryahan weyn iyo qof aad u fiican,” Laporta ayaa hadalkiisa ku bilaabay.

“Sannadkii aan la qaadanay isaga ayaa na tusay sida uu yahay, laakiin ka dib markii uu kulan la qaatay [Hansi] Flick oo qiimaynay xaalada kooxda waxa uu go’aansaday in uu doonayo in uu baxo”.

“Go’aanka uu ku baxay waxa ay khusaysaa dhinaca ciyaaraha, ma ahayn arin dhinaca dhaqaalaha ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here