Home Wararka Ciyaaraha Joan Laporta oo soo bandhigtay warar cusub oo ku saabsan Sheekada suuqa...

Joan Laporta oo soo bandhigtay warar cusub oo ku saabsan Sheekada suuqa kala iibsiga ee Frenkie de Jong

0
Ad

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa ku adkeystay in kooxda ay dooneyso Frenkie de Jong inuu sii joogo xagaagan.

Mustaqbalka De Jong ayaa ahaa mawduuc aad loo hadal hayay labadii bilood ee ugu dambeeyay, iyadoo Manchester United ay ka shaqeyneysay sidii ay ku keeni lahayd Old Trafford.

Ad

Tababaraha Red Devils Erik ten Hag ayaa la sheegayaa in uu aad udoonayo in uu dib ula midoobo Cayaaryahankii uu kusoo maamulay Ajax, waxaana warar kala duwan ay sheegayaan in Man United ay horey heshiis ula gaartay 25-sano jirkaan.

Si kastaba ha ahaatee, De Jong ayaa horaantii xagaagan sheegay in Barcelona ay tahay “naadigiisa riyada”, waxaana la rumeysan yahay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu go’aansaday inuu sii joogo Camp Nou.

Previous articleAymeric Laporte oo la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha Sebtember ka dib qaliin jilibka ah
Next articleTababaraha kooxda Manchester City oo ka hadlay wararka la xiriira Marc Cucurella

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here