Joan Laporte oo Saxiixiisa koobaad ka dhiganaya sergio Aguero.

Madaxweynaha cusub ee Barcelona Joan Laporta ayaa indhaha ku haya inuu la soo wareego Sergio Aguero xagaagan, sida laga soo xigtay Le10 Sport.

Tababaraha Barca Ronald Koeman ayaa doorbiday Memphis Depay, laakiin  Laporta wuxuu aaminsan yahay Sergio Aguero inuu yahay ninka hogaaminaya weerarka Barcelona xagaaga soo socda.

Hadafka ugu dambeeya ee madaxweynaha ayaa ah inuu la soo saxiixdo Erling Haaland laakiin, haddii taasi aysan dhicin, Aguero ayaa ah mudnaanta koowaad ee kooxda imaan doono sida uu aaminsan yahay Joan Laporta.

Barcelona ayaa fadeexado lasoo kulmeysay Sanadihii lasoo dhaafay waxaana ay dhibaato xoogan ka qabeen dhanka gooldhalinta oo aad uga Liidatay marka laga reebo lionel messi oo ah Laacibka kaliya ee goolasha u dhaliya kulamada.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*