Home Horyaalka Ingiriiska Joe Cole: ‘Kaliya Virgil van Dijk ayaa ka fiican Thiago Silva’

Joe Cole: ‘Kaliya Virgil van Dijk ayaa ka fiican Thiago Silva’

0

Thiago Silva waa daafaca labaad ee ugu fiican Premier League marka la eego Virgil van Dijk , sida laga soo xigtay Joe Cole .

Silva ayaa si deg deg ah boos joogto ah uga helay Frank Lampard wuxuuna wacdaro dhigay bilihiisii ​​ugu horeeyay ee Stamford Bridge, iyadoo Chelsea ay ilaashatay seddex dhibxood oo nadiif ah afar kulan oo horyaalka ah markii uu Silva ciyaaray 90ka daqiiqo.

Waxaa walaac laga muujiyey awooda 36 jirkaan uu ku wajihi karo Premier League inta lagu gudajiro qeybihiisii ​​dambe ee waayihiisa ciyaareed, laakiin Cole ayaa aaminsan in Silva uu durbaba noqday daafacyada dhexe ee ugu fiican kubada cagta Ingariiska.

Isaga oo la hadlaya BT Sport , Cole ayaa yidhi: “Waxa uu ka mid yahay daafacyada waa weyn er Premier League.

“Uma maleynayo inay difaacyada kale ee sidan sameyn karaan Marka laga reebo Van Dijk, waxaan dhihi lahaa waa kan ugu fiican horyaalka. Waxa uu la yimid tayo aad u feecan.

Silva ayaa qeyb ka ahaa shaxdii Chelsea ee kulankii Rennes, halkaas oo ay Blues xaqiijisay u soo bixitaanka wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 2-1 ku dubteen Roazhon Park.

Previous articleKooxaha iska xaadiriyay Wareega 16-ka ee champions League oo lasoo bandhigay.
Next articleXiddiga Borussia Dortmund Erling Haaland oo jabiyay rikoorka gooldhalinta ee Champions League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here