Home Warar Ciyaaraha Maanta Joe Cole oo si weyn u amaanay qaab ciyaareedka weerarka ee Chelsea

Joe Cole oo si weyn u amaanay qaab ciyaareedka weerarka ee Chelsea

0

Joe Cole ayaa si weyn u amaanay qaab ciyaareedka weerarka ee Chelsea kulankii ay 3-0 kaga badiyeen West Ham.

Cole ayaa sheegay in bandhiga Blues uu dib u xasuusiyay saddexdii weerar ee hore ee caanka ahaa ee Liverpool ee Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane.

Nicolas Jackson ayaa labo gool ka dhaliyay West Ham, iyadoo goolkiisii ​​ugu horeeyay uu yimid afar daqiiqo ka dib, halka Cole Palmer uu isna ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto.

Isagoo ka hadlayay TNT Sports, Cole wuxuu yiri: Waxay ahaayeen kuwa awood badan, waxay ahaayeen kuwo xooggan, waxay ahaayeen kuwo togan, tani waxa ay cadayn u tahay waxa ay weerarka Blues samayn karaan”.

“Weerarka Chelsea waxa ay i xasuusiyeen qaab ciyaareedkii xiddigaha Liverpool ee Salah, Mane iyo Frimino”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here