John Murtough oo u safray Turin si uu heshiis ula Soo saxiixdo ciyaaryahanka khadka dhexe eeJuventus Adrien Rabiot

Agaasimaha kubada cagta Manchester United John Murtough ayaa lagu soo waramayaa inuu u safray Turin isagoo ujeedkiisu yahay sidii uu u heli lahaa heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe eeJuventus Adrien Rabiot .

Kooxda heysata 20-ka jeer ee horyaalka Ingariiska ayaa lagu eedeeyay inay horey heshiis ula gaartay Juventus saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, iyadoo qiimaha lagu kala iibsanayo lagu sheegay 15 milyan ginni.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaan weli heshiis shaqsi ah la gaarin 27-sano jirkaan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in wadahadalladii Red Devils iyo xerada Rabiot ay ahaayeen kuwo dhibaato ah.

Faransiiska ayaa la rumeysan yahay inuu raadinayo mushaar dhan €10m (£8.4m) sanadkii, taasoo ka dhigan sare u kac la taaban karo oo ku saabsan xirmada uu hadda ku joogo Turin.

Rabiot waxaa matalay hooyadiis, Veronique Rabiot , sida laga soo xigtay The Telegraph , Murtough ayaa hadda u safray Talyaaniga si uu wadahadalo qandaraas ah ula galo xerada khadka dhexe.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*