Home Warar Ciyaaraha Maanta John Obi Mikel oo sheegay in Chelsea ay heshiis shaqsi ah la...

John Obi Mikel oo sheegay in Chelsea ay heshiis shaqsi ah la gaartay Victor Osimhen

0

John Obi Mikel ayaa sheegay in Chelsea ay heshiis shaqsi ah la gaartay Victor Osimhen laakiin heshiiska weeraryahanka Napoli ayaa burburay sabab la xidhiidha ‘faah-faahino yar’.

Chelsea ayaa isku day soo daahday oo ay ku doonaysay xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria dhamaadkii suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin kooxda ka ciyaarta Premier League ayaa awoodi wayday in ay dhamaystirto saxiixa xiddigan.

25-sano jirkaan ayaa horay u diiday dalab uu ugu biirayo kooxda Saudi Pro League ee Al-Ahli, kaasoo ay Napoli aqbashay dalabkeeda €80 million.

Obi Mikel ayaa daaha ka qaaday inuu door ku lahaa wada xaajoodyadii u dhaxeeyay Osimhen iyo Chelsea wuxuuna sheegay in heshiisku uu saacado ka hadhsanaa in la dhamaystiro, halka weeraryahanku uu ka niyad jabay ka dib markii uu dhaqaaqi waayay.

“Waan garanayaa waxa uu Victor doonayo, waan garanayaa waxa ay kooxdu u soo bandhigtay, waan ogahay halka aanu gaadhnay, ugu danbayntii waxa aanu helnay tanaasul, labada dhinacba, waxa jiray dhawr wax oo yar-yar waxana kaliya dhimanaa warqadaha heshiiska iyo tijaabada caafimaadka”ayuu Obi sheegay.

“Labada dhinacba runtii waxay door ka ciyaareen sidii heshiiska loo dhamaystiri lahaa, waana ku amaanayaa Chelsea taas sababtoo ah waxaan arki karaa hamigooda halka ay doonayaan inay kooxdan geeyaan hadda iyo sidoo kale dhanka Victor, inta uu runtii rabay inuu yimaado kooxda”.

“Waa uu ka niyad jabay maadama uuna heshiisku dhicin, Waan la hadlay markii uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xirmay, waan wacay, waxaan wada hadalnay 20 daqiiqo, waxaan ku iri, ‘dhegeyso, mar walba adiga ayaan kuu joogaa, waxaad u baahan tahay inaad madaxa hoos u dhigto, waxaad u baahan tahay inaad si adag u shaqeyso. , sii wad tababarka, waan ogahay inaysan ahayn xaalada ugu fiican hadda laakiin waan ogahay inaad xoog badan tahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here