Home Warar Ciyaaraha Maanta John Obi Mikel Oo Sheegay Sababta Ay Chelsea Ugu Fashilantay Saxiixa Victor...

John Obi Mikel Oo Sheegay Sababta Ay Chelsea Ugu Fashilantay Saxiixa Victor Osimhen.

0

John Obi Mikel Oo Sheegay Sababta Ay Chelsea Ugu Fashilantay Saxiixa Victor Osimhen.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Caoimhin Kelleher ayaa xaqiijiyay in uu aad u doonayo in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro isla markaas uga boxo hooska Becker.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Republic of Ireland ayaa dookha 2-aad ee Liverpool waxana uu ka dambeeyaa Goolhaye Alisson oo ah dookha 1-aad waxana uu ciyaaray kaliya 15 kulan premier Legaue tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

“Waxaan u maleynayaa inaan caddeeyey dhowrkii sano ee la soo dhaafay inaan doonayo inaan tago oo aan noqdo lambarka koowaad oo aan ciyaaro todobaad kasta”ayuu Kelleher yidhi.

“Kooxdu waxay qaadatay go’aankaas si ay u hesho goolhaye kale oo sidoo kale, sida iska cad, waxa ay u egtahay in ay kooxdu qaadatay go’aan kale”.

“Hadaba haa, hamigaygu mar walba wuu caddaa waxana aan dhawrkii sano ee ugu dambeeyay doonayay in aan ka tago kooxda si aan joogto ugu ciyaaro koox kale”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here