John Terry oo xushay kooxda ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League

John Terry ayaa mar kale ku taageeray Manchester City inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Halyeeyga Chelsea ayaa rumeysan in kooxda Pep Guardiola ay garaaci karto kooxda walba horyaalka haatan.

Manchester City ayaa seddex dhibcood ku hogaamineysa hogaanka Premier League haatan. Sidoo kale kulan ayaa u harsan waxayna sii dheereysan karaan dhibcaha ay ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester United oo leh lix dhibcood.

John Terry ayaa la hadlayey  talkSPORT  markii uu saadaaliyey in Manchester City ay ku dhameysan doonto hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Caawiyaha Aston Villa ayaa tilmaamay sida ay ugu adkaatay kooxdiisa inay dhaafto Cityzens markii uu wajahayay xilli ciyaareedkan. Wuxuu yidhi:

“Waxaan u sheegay Man City bilowgiiba [Horyaalka]. Waxaan [Aston Villa] la ciyaarnay dhawaan, waana kooxda nooca ah, si kasta oo aad u ciyaarto, haddii ay ku jiraan, way garaaci karaan qof kasta oo ka tirsan horyaalka. “

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*