Home Horyaalka Ingiriiska Jordan Henderson oo 12 Isbuuc garoomada ka maqnaan doona

Jordan Henderson oo 12 Isbuuc garoomada ka maqnaan doona

0

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa lagu soo waramayaa inuu wajahayo 12 isbuuc oo uu garoomada uga maqnaan doono dhaawac gumaarka sidaas darteedna shaki ayaa kujiray inuu ciyaari karo Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan.

30 jirkaan ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo kaliya 30 daqiiqo markii uu socday kulankii Merseyside derby ee isbuucii hore ay la ciyaareen Everton.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegtay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England uu ‘dhowr toddobaad’ wajahayo dhaawac gumaarka ah, kaasoo ka culus sidii markii hore loo maleynayay.

Sida laga soo xigtay The Sun , Henderson waxaa la baarayaa maanta galinka danbe haddii uu u baahan yahay qalliin ku saabsan dhaawaca, kaas oo soo afjari kara xilli ciyaareedkiisa isla markaana ka dhigi kara inuu la dagaallamo inuu taam noqdo .

Warbixinta ayaa sheeganeysa in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan awoodi karin inuu ku soo laabto tababarka buuxa ilaa dhamaadka May marka ugu horeysa haddii natiijooyinka ay muujiyaan inuu u baahan yahay qalliin.

Henderson ayaa inta badan u shaqeynayay sidii daafaca dhexe ee Liverpool bilihii la soo dhaafay sababo la xiriira dhaawacyada kooxda ka heysata aagga daafaca.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here