Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa balan qaaday in kooxda heysata horyaalka Premier League ay dib uga soo laaban doonto si xoogan iyagoo ka soo kabsanaya guuldarooyinkii ugu dambeeyay.
10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayaa guuldaro xun oo kasoo gaadhay Leicester City natiijadaas ayaa keentay in Jurgen Klopp uu ku dhawaaqo in difaacii horyaalka ee kooxdiisu uu dhamaaday .
Kooxda kaalinta lixaad ku jirta ee Merseyside ayaa haatan 13 dhibcood ka dambeysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City – kuwaasoo kulan u harsan yahay – laakiin Henderson ayaa qaba in Liverpool ay ugu dambeyn kasoo kabsandoonto dhibaatooyinka ay la kulmayaan.
Henderson oo la hadlayey suxufiyiinta shir jaraa’id ayaa yidhi: “Ma dareemayo sida ay hadda tahay, laakiin maalin maalmaha ka mid ah markii aan ka soo baxno marxaladdan adag – waxaana rajeynayaa in dhowaan ay tahay – waxaan u badan tahay inaan sidaa sameyn doono.