Jorginho oo heshiis shaqsiga ah miiska u saaray Juventus

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Jorginho ayaa go’aansaday inuu u dhaqaaqo Juventus .

kadib 18-kii bilood ee ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Chelsea , Jorginho ayaa arkaya inuu mugdi ku jiro heshiiskiisa iyadoo wadahadalo heshiis kordhin ah la hakiyay inta kooxda la iibinayo.

Dib ugu soo laabashada Talyaaniga ee ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Napoli ayaa la sheegay in Juve ay aad u dooneyso.

La Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in wada xaajoodyada Juve ay bilowdeen isla markaana laga wada hadlay shuruudaha.

Jorginho ayaa doonaya 7 milyan oo euro sanadkii si uu ugu biiro Juve, taasoo ku dhacda miisaaniyada kooxda. Matthijs de Ligt ayaa ah qofka ugu mushaharka badan Allianz Stadium isaga oo sanadkii mushahar ahaan u qaata 8 milyan oo euro iyo 4 milyan oo dheeraad ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*