Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Jorginho ayaa saaxiibkiis Bukayo Saka ku taageeray inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or mustaqbalka haddii xiddiga garabka ka ciyaara uu iska sixi karo qayb ka mid ah ciyaartiisa.
Saka ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal 5-tii sano ee ugu dambaysay isaga oo ciyaaray 287 kulan.
Xilli ciyaareedkan Saka ayaa haatanba ku lug lahaa 18 gool iyo caawin 18 kulan oo uu u ciyaaray xilli ciyaareedkan isaga oo 10 gool ku lug lahaa premier League.
Jorginho ayaa Saka ku tilmaamay mid aan la rumaysan karin.
Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ku idhi Saka, waxa aan doonayaa in aan arko adiga oo ku guulaystay Ballon d’Or, waan rumaysanahay isaga, waxa aan rajaynayaa in uu naftiisa rumaysanyahay”.
“Waxa uu Saka u baahanyahay in uu iska saxo ayaa ah in uu inta badan aado dilinta ganaaxa dhexdeeda si uu u dhaliyo goolal madaxa ah”ayuu sii raaciyay.