Jose Mourinho: ‘Inaan si dhab ah u qaato EFL Cup-ka waxay sir u tahay guushayda’

Tababaraha kooxda Tottenham Jose Mourinho ayaa sheegay in u qaadashada League Cup-ka si dhab ah ay fure u tahay guulihiisa tartanka kadib markii kooxdiisu 2-0 ku garaacday Brentford .

Mourinho ayaa loo keenay Spurs si uu u soo afjaro abaartii 13-kii sano ee koob la’aaneed haatana kaliya Manchester City ama Manchester United ayaa hortaagan ka dib markii Moussa Sissoko iyo Son Heung-min goolal u dhaliyeen kooxdii Championship-ka semi-finalka Carabao Cup.

Tababaraha reer Portugal ayaa xiriir jacayl la leh tartankan, isagoo afar jeer oo hore kula guuleystay Chelsea iyo United, wuxuuna noqonayaa ninka seddexaad ee finalka la gaara seddex kooxood oo kala duwan ka dib Ron Saunders iyo Ron Atkinson .

Mourinho ayaa had iyo jeer siiya ixtiraam buuxa wuxuuna mar kale sidaas sameeyay madaama uu magacaabay kooxo adag labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Stoke iyo Brentford.

“Waxaan imid England 2004 waxaan xasuustaa in mudadaas ay aheyd inaan barto macnaha koobabka halkaan mar walbana si dhab ah ayaan uqaatay,” ayuu yiri.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*