Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Suurtagalnimada Dib Ula Midoobidda Cristiano Ronaldo Ee Fenerbahçe.
Jose Mourinho ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan wararka la xiriirinaya in Cristiano Ronaldo uu ku biiri karo kooxda Fenerbahçe marka uu dhamaado qandaraaskiisa Al-Nassr xagaaga soo socda.
Mourinho, oo haatan maamula Fenerbahçe, ayaa soo xasuustay waayihii ay wada joogeen Ronaldo Real Madrid intii u dhaxaysay 2010-2013, xilligaas Ronaldo wuxuu dhaliyay 168 gool oo uu ku hogaamiyay Real hanashada horyaalka La Liga iyo Copa del Rey.
Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa meesha ka saaray fursadda uu Ronaldo ugu biiri karo kooxda Turkiga:
Tababaraha ayaa tilmaamay in Ronaldo uu hadda ku faraxsan yahay noloshiisa Saudi Arabia iyo hamigiisa ah inuu gaaro 1,000 gool.
“Wuxuu heystaa mushaar fiican oo uu ka kasbado Saudi Arabia iyo ujeeddada 1,000 gool. Maxaa isaga ku dhiirrigelin kara inuu u yimaado Turkiga, marka laga reebo quruxda Istanbul?”
Mourinho ayaa sidoo kale ka hadlay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, isagoo sheegay inuusan aad u jeclayn sababtoo ah ciyaaryahannada cusub waxay u baahan yihiin waqti ay kula qabsadaan kooxda.
“Ma jecli suuqa kala iibsiga Janaayo maxaa yeelay ciyaaryahanka cusub wuxuu u baahan yahay waqti uu kugula qabsado.”