Home Warar Ciyaaraha Maanta Jose Mourinho oo shaaca ka qaaday inuu hal dhibaato ku qabo saxiixa...

Jose Mourinho oo shaaca ka qaaday inuu hal dhibaato ku qabo saxiixa cusub ee Galatasaray Victor Osimhen.

0

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu hal dhibaato ku qabo saxiixa cusub ee Galatasaray Victor Osimhen.

Inkastoo lala xiriirinayay kooxda Chelsea suuqii xagaaga oo dhan, Osimhen waxa uu xilli dambe amaah ugu biiray Galatasaray oo uu kaga soo biiray Napoli ka dib markii ay iska fogeeyeen kooxda reer Talyaani.

Tababaraha Fenerbahce Mourinho ayaa ka walaacsan inuu mar kale is wajahan Osimhen , isagoo hore u wajahay Osimhen markii uu maamulayay Roma kulankii Napoli Iyo Roma dhexmaray 21kii Sebtember.

Mourinho waxa uu sheegay in uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Osimhen, laakiin waxa uu ka cawday in 25-jirka uu aad u quusiyo.

Isagoo la hadlayay HT Spor, Mourinho ayaa yiri: “Wax dhib ah iguma qabo Victor.

“Xaqiiqdii, waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan.

Laakiin mar kasta oo aan ka hor yimaado waan la hadlaa sababtoo ah ma jecli sida uu u dhaqmo.

Kooxda Mourinho ayaa haatan hogaanka horyaalka ku haysa 11 dhibcood,halka Galatasaray ay laba dhibcood u jirto balse kulan uu baaqi u yahay.

Galatasaray ayaa isku xoojin doonta imaatinka Osimhen, kaasoo Napoli u dhaliyay 76 gool 133 kulan uu u saftay.

Osimhen ayaa si ku meel gaar ah uga tagay Napoli kadib markii ay isku dhaceen tababare Antonio Conte.

Mourinho ayaa intaa ku daray in uu Osimhen kala hadlay istuurkii uu sameeyay markii ay Roma wajahday Napoli xilli ciyaareedkii hore.

Wuxuu yiri: “Waxaan ku idhi, ‘Fiiri, waxaad tahay mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee Afrika ugu fiican, adiga iyo Mohamed Salah.

Osimhen ayaa rajeynaya inuu kulankiisii ​​ugu horeyay u safto Galatasaray kulan ka dhacaya Rizespor sabtida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here