Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Joshua Kimmich ayaa looga gacan haadinayaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyadoo uu wali taagan yahay xiisihii ay laacibkan u muujisay Barcelona oo raadinaysa beddelka Sergio Busquets oo shaaciyey inuu ka tegayo toddobaadka dambe.
Kimmich ayaa la sheegay in uu danaynayo in uu soo afjaro waayihiisa Bayern Munich ee uu cimrigiisa ciyaareed kusoo qaatay, iyadoo dhinaca kalena ay Borussia Dortmund qarka u saaran tahay inay soo afjarto guulihii tobanka sannadood ee xidhiidhka ahaa ee Munich ee horyaalka Bundesliga.
Bayern Munich ayaa uu sannadkani u yahay mid adag oo ay faro madhnaan ku dhamaysan doonaan maadaama ay laba dhibcood ka dambeeyaan Borussia Dortmund iyadoo hal ciyaar oo kali ahi ka hadhsan tahay dhamaadka xilli ciyaareedka oo Sabtida lasoo gabogabayn doono.
Kimmich ayay kooxo dhawr ah danaynayaan, laakiin waxa ugu cadcad Barcelona oo toddobaadyadii ugu dambeeyey uu warkeedu ku jiray suuqa balse waxa hadda loollanka kusoo biiray kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo danaynaya inay la saxeexdaan.
28 jirkan ayaa la sheegay, in Bayern Munich aanay albaabka ka xidhi doonin haddii ay hesho dalab gaadhaya £43.5 milyan oo Gini, inkasta oo ay saxaafadda u sheegeen in aanay marnaba fasaxayn.
Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo jira dareen ah in Man City ay iyaduna qorshaynayso inay kusoo biirto tartanka Joshua Kimmich, waxaana uu xidhiidh fiican oo saaxiibtinimo uu ka dhexeeyaa Pep Guardiola oo hore ugu soo layliyey Allianz Arena.