Home Suuqa Kala iibsiga Joshua Zirkzee oo isku dayay inuu saaxiibkiisii ​​hore ee Jamal Musiala ku...

Joshua Zirkzee oo isku dayay inuu saaxiibkiisii ​​hore ee Jamal Musiala ku qanciyo in uu kula biiro Man United

0

Joshua Zirkzee ayaa isku dayay inuu saaxiibkiisii ​​hore ee Jamal Musiala ku qanciyo in uu kula biiro Man United suuqii xagaaga sida uu xaqiijiyay xiddiga Bayern Munich.

United ayaa Zirkzee kaga soo iibsatay Bologna aduun dhan 36 milyan oo euro bishii July waxana uu dhaliyay gool kulankiisii ugu horeeyay.

Ka hor intii uuna ku biirin koxoda ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga, xiddiga ayaa 5 sano ku soo qaatay Bayern Munich isaga oo ka garab ciyaaray xiddiga Musiala.

Xiddiga Musiala ayaa sheegay in uu Zirkzee ka codsaday in uu kula biiro kooxda Man United”Wuu isku daya, wuu isku dayay”ayuu Musiala yidhi.

“Mar walba waad la kaftamaysaa saaxiibada waxana aad ku riyoonaysaa in aad la ciyaarto maalin uun”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here