Difaaca reer Croatia ee ay kooxaha waaweyn ee dunidu raadinayaan ee Josko Gvardiol ayaa xaqiijiyey inuu u dhowaaday inuu gabi ahaanba iskaga fadhiisto kubadda cagta oo uu raaco raadka aabbihii oo ah kalluumayste ka shaqaysta gudaha waddankiisa Croatia.
Josko Gvardiol oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka, ayaa waxa diyaar u ah inay qasnaddooda u jabiyan kooxo waaweyn oo reer Yurub, inkasta oo Chelsea horeba loo ogaa inay £90 milyan oo Gini u diyaarisay iibkiisa.
Laacibkan oo qayb ka ah ciyaartoyda RB Leipzig ee ku sugan waddanka Ingiriiska oo lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League martida ugu ah Manchester City oo ay ciyaartoodii hore kusoo kala baxeen 1-1 isla markaana uu Gvardiol goolka ka dhaliyey waqti dambe, ayaa waxa uu sheegay inuu ku sigtay inuu noqdo kalluumaysto.
Gvardiol ayaa waxa uu aabbihii u raaci jiray xeebaha magaalada Zagreb xilliyada uu firaaqada hayo isaga oo xilligaas ka tirsanaa kooxda da’yarta ee Dinamo Zagreb, waxaana isaga oo arrintaas ka sheekaynaya uu yidhi: “Waxa aan ahaa 16 ama 17 jir, walina waxa aan kusii jiray kooxaha da’yarta. Waan dhibsanayay arrintaas waxaana jirtay mar aan ku fikiray in aan kubadda cagtaba iskaga tago.
“Waxa aan damcay in aan iibiyo kalluunka. Laakiin haddana waxa aan necba kalluunka. Bal qiyaas adiga oo 16 jir ah oo maalin walba gurigiina ku cunaya kalluun. Waxa aan haddana damcay in aan wax kale isku dayo.
“Ma garanayo waxa dhacay laakiin muddo kaddib waxa aan bilaabay in aan ciyaaro kubadda ugu dambayntiina waxa soo baxday tayadayda. Sannad kaddib ayaan tegay kooxda heerka labad ee Dinamo Zagreb.’
Gvardiol ayaa waxa uu sannadkii xigay u wareegay kooxda Jarmalka ee RB Leipzig iyadoo ay da’diisu ahayd 19 jir, waxyar kaddibna waxa uu ka mid noqday xulka qaranka Croatia ee uu u raacay Koobkii Adduunka ee uu wacdaraha ka dhigay, adduunyaduna ku baratay.