Home Suuqa Kala iibsiga Jude Bellingham oo kaa yaabsaday xalay dunida oo dhan Kadib Markii uu….

Jude Bellingham oo kaa yaabsaday xalay dunida oo dhan Kadib Markii uu….

0

Jude Bellingham ayaa kaa yaabsaday xalay dunida oo dhan, kadib markii uu lasoo baxay qaab ciyaareed waali ah, isagoo kala qabsaday garoonka oo dhan ciyaartii ay Real Madrid 2-0 kaga badisay Atalanta ee UEFA Super Cup.

Qaab ciyaareedkiisa saafiga ah ayaa waxaa ugu wacan booska cusub ee uu geeyay Macalin Carlo Ancelotti ee khadka dhexe.

Jude Bellingham ayaa gacan ku lahaa labada gool iyadoo Real Madrid ay 2-0 kaga badisay Atalanta ciyaar ka tirsaneyd UEFA Super Cup.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka mid ahaa xiddigihii bandhigga heerka sare sameeyay xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu aaminsan yahay inuu door muhiim ah ka ciyaari karo sidii kooxda ay u sii heysan laheyd koobka UEFA Champions League.

Jude Bellingham ayaa aaminsan in Carlo Ancelotti uu ku kalsoon yahay taas oo uu ku muujiyay muuqaal cusub oo uu lasoo baxay kulankii UEFA Super Cup.

Madrid ayaa is nooleysay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Federico Valverde uu shabaqa ku taabtay kubad uu ka helay Vinicius Junior.

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee Madrid sagaal daqiiqo ka dib, iyadoo uu kubad isku xiritaan ah la sameeyay Bellingham.

Bellingham ayaa la geeyay boos cusub, laakiin wali gacan ayuu ku lahaa labada gool, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaana ku adkeysanaya inuu doonayo inuu kooxda ka caawiyo inay guuleysato.

“Waxaan u maleynayaa in tababaraha uu igu kalsoon yahay inaan dareemo inaa ka ciyaari karo boosas badan,” ayuu yiri 21-jirka.

“Waxaan u maleynayaa marka ay lagama maarmaan noqoto inaan sare u qaadi karo, markaan u baahdona waxaan ka caawin karaa dhismaha.

Markii la waydiiyay sida uu u arko goolki ugu horeeyay ee uu dhaliyay Mbappe, Bellingham ayaa yidhi:

“Waa cajiib, aad ayuu halis badan yahay, wuxuuna leeyahay tayo farsamo oo aad u badan.

Isaguna waa saaxiib fiican.

Kaliya kuma tiirsana tayada uu leeyahay, sidoo kale wuxuu u shaqeeyaa si adag.

Mahad buuxda isagaa iska leh, caawana wuu u qalmaa.”

Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida Carlo Ancelotti uu u wada ciyaarsiyay Mbappe, Bellingham, Vinicius Junior iyo Rodrygo , laakiin afartii ciyaaryahan ayaa saameyn weyn sameeyay qeybtii labaad.

Isagoo ka ciyaarayay meel wax yar ka qoto dheer sidii uu ololihiisii ​​​​ugu horeeyay ee Spain, Bellingham wuu ku riyaaqay oo wuxuu sameeyay taabashooyinka ugu badan oo ah 75, wuxuuna abuuray fursadaha ugu badan waana saddexda fursadood, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo Madrid ah.

Waxa uu haatan diiwaan gashaday caawinta seddexdii kulan ee ugu dambeysay ee uu u saftay Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here