Home Wararka Ciyaaraha Jude Bellingham oo ku biiraya Kooxdiisa Riyada, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea...

Jude Bellingham oo ku biiraya Kooxdiisa Riyada, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea oo lagu Garaacay Heshiiska Xidigan

0

Kooxaha horyaalka Premier League ee Chelsea, Manchester United iyo Liverpool ayaa iyaga oo niyad-jabsan is-dhiibay, waxaanay ogaadeen in fursaddii ay kula saxeexan karayeen xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee reer England ee Jude Bellingham ay gabaabsi tahay.

Jude Bellingham oo 19 jir ah ayaa u muuqda in saxeexiisa lagu kala calaf-qaaday oo uu gacanta u gelayo kooxdii uu ku riyoonayay in uu mar uun u ciyaaro.

Naadiyo badan ayaa ku tartamayay Jude Bellingham, waxaanay badankoodu ahaayeen horyaalka Premier League sida Manchester United, Chelsea, Manchester City iyo Liverpool, hase yeeshee waxa iyaduna tartanka si xooggan usoo gashay Paris Saint-Germain.

19 jirkan ayaa la sheegay in uu dhabarka u jeediyey dhamaan kooxahan, waxaana uu doortay oo uu ka degi doonaa kooxda reer Spain ee Real Madrid, sida uu qoray wargeyska The Sun.’

Carlo Ancelotti ayaa la sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in uu xilli ciyaareedka dambe ku xisaabtami doono Jude Bellingham oo uu xagaaga kusoo dhoweyn doono Santiago Bernabeu, iyadoo Los Blancos miiska u saari doonta kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund lacag gaadhaysa £100 milyan oo Gini.

Liverpool ayay ka go’nayd inay la saxeexato Bellingham oo uu tababare Jurgen Klopp dedaal shaqsi ah ku bixinayay sidii uu u heli lahaa xiddigan oo uu qorshihiisu ahaa inuu ka garab ciyaarsiiyo Jordan Henderson oo ay Koobkii  Adduunka ee Qatar si wada jir ah iskaga garab dheelayeen.

Jude Bellinghaam ayaa Borussia Dortmund u saftay 112 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 190 gool, 21 kalena caawiye uga noqday.

Previous article” Kuma Ayaa Shaki galin kara Lionel Messi inuu Yahay Xidiga ugu Fiican Adduunka ” Pep Guardiola oo ku dhago hadlay Xiddigo badan
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 21-ka December

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here