Jude Bellingham Oo Laba Jeer Iska Diiday Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa qaab shalayn ah u daawanaysay qaab ciyaareedkii Jude Bellingham kulankii Iran maadama ay 2 jeer iska diiday saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay indha-indheeyihiin hore ee kooxda Arsenal Francis Cagigao, Xiddiga ayaa laba jeer iska diiday in uu ku biiro Arsenal markii uu 15 sano jirka ahaa.

xiddiga Bellingham  ayaa go’aansaday in uu iska diido Arsenal si uu u sii joogo kooxda Birmingham isla markaas u sii wato horumarkiisa ciyaareed.

Arsenal ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga laakiin Gunners ayaa iska diiday taas oo keentay in uu xiddiga 19 jirka ah ku biiro kooxda Dortmund sanadkii 2020.

Xiddiga ayaa haatan ka mid noqday xiddigaha ugu fiican da’diisa iyo waliba xiddigaha ka ciyaara booskiisa.

Francis Cagigao oo haatan ah agaasimaha xulka qaranka Chile ayaa u sheegay La Voz de Galicia: “Jude waa ciyaaryahan kubada cagta ah oo aan aqaanay tan iyo markii uu ahaa 15, markii uu joogay Birmingham.

“Arsenal ayaa laba jeer dalab ka gudbisay”.

“Kobaciisa kubbada cagta ee Borussia Dortmund wuxuu ahaa sidii la filayay. Waa ciyaaryahan kubada cagta ah oo dhameystiran, oo leh tayo fiican”.

“Laakiin ma jirin baahi loo qabay oo ahayd in aan la soo saxiixano wakhtigaas”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*