Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa lagu tilmaamay inuu leeyahay sifooyin badan oo lagu yaqaanay halyeygii xulka France iyo Los Blancos ee Zinedine Zidane, kaddib markii uu si degdeg ah u saldhigay Santiago Bernabeu oo uu shan gool dhaliyey afartiisii ciyaarood ee ugu horreeyey.
Halyeygii England ee Graeme Souness ayaa rumaysan in ay waxyaabo badan iskaga mid yihiin Bellingham iyo Zidane, waxaana uu soo qaatay farsamooyinka, awoodda jidheed iyo xataa goolasha madaxa loo adeegsado.
Jude Bellingham oo xagaagii ay Real Madrid kaga soo iibsatay Borussia Dortmund lacag gaadhaysa €103 milyan oo Euro, ayaa waxa uu Graeme Souness sheegay in uu hayo dariiqii Zinedine Zidane oo uu xiddig weyn noqon doono.
Graeme Souness oo saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Waxa uu noqon doonaa ciyaartoy weyn oo dhif iyo naadir ah, waxaanad si fiican ula socotaan in isaga oo khad dhexe ah uu haddana abuurayo cabsi gaar ah.
“Waxa uu leeyahay astaamo jidheedh iyo awood farsamo oo ay iskaga mid yihiin Zinedine Zidane oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa khadka dhexe ee Real Madrid, laakiin waqtiga oo kaliya ayaa sheegi karaya halka uu gaadhi doono. Aniga waxa uu iila muuqdaa in aanu lahayn meel xuduud celiya.
“Siyaabo badan ayuu u ciyaari karayaa. Waa ciyaartoy garoonka oo dhan ka dheeli karaya, waxa uu leeyahay farsamo cajiib ah, waxa uu si caqli badan ugu ciyaari karayaa madaxiisa iyo garbihiisa. Waxa uu leeyahay awood uu ku arki karo meel saddex ama afar tallaabo ka xigta oo uu marayo, waana arrin ay ciyaartoyda ugu wanaagsan oo kaliya samayn karayaan.”