Home Wararka Ciyaaraha Jude Bellingham oo loo Furay Boorsooyinka Maalqabeenada Carabta, Borussia Dortmund oo Xiir...

Jude Bellingham oo loo Furay Boorsooyinka Maalqabeenada Carabta, Borussia Dortmund oo Xiir lala Sameeyay

0
Ad

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay si rasmi ah wadahadalo ula furtay Borussia Dortmund si ay ugala soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jude Bellingham .

Waxaa jiray hadal heyn ballaaran oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka England dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka la sheegay inay si weyn u doonayaan saxiixa xiddiga sannadka soo socda.

Ad

Bellingham ayaa lagu wadaa inuu la fariisto Dortmund si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa haatan maadaama England laga saaray Koobka Adduunka, waxaana la filayaa inuu u sheego kooxda Jarmalka inuu doonayo inuu baxo .

Liverpool , Real Madrid , Manchester City , Chelsea iyo Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo 19 jirkaan, kaasoo heshiis kula jira BVB xagaaga 2025.

Dhanka kale madaxweynaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa xaqiijiyay in kooxda reer France ay doonayso in ay keento Paris inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Sida laga soo xigtay Le10sport , PSG ayaa haatan xiriir la samaysay Dortmund si ay wadahadalo rasmi ah ugala gasho da’yarka sanadka soo socda.

Previous articleShaqsiga Sababta u ahaa Guul-daradii Portugal ee Koobka Adduunka, Waxaa Magacaabay Luis Figo
Next articleLionel Messi oo Afar Rikoor Jabinaya Koobka Adduunka Kulanka Croatia, Waxaa kamid ah Rikoor aan Taariikh-da laga Sameyn Koobka Adduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here