Home Warar Ciyaaraha Maanta Jude Bellingham oo Seegaya Kulanka Xulka Ireland Ee UEFA Nations League iyo...

Jude Bellingham oo Seegaya Kulanka Xulka Ireland Ee UEFA Nations League iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

England ayaa fiidnimada sabtida la ciyaari doonta Republic of Ireland kulan ka tirsan Nations League – laakiin xiddiga Jude Bellingham ayaan ka qayb ahaan doonin kulanka.

Waxa si weyn isha loogu hayaa sida uu xulka England u ciyaari doono kulankii ugu horeeyay ee uu hogaaminayo tababare Lee Carsley oo badalay Gareth Southgate.

Inta badan waxaa xusid mudan, weeraryahanada khadka dhexe Bellingham, Phil Foden iyo Cole Palmer ayaan diyaar ahayn iyada oo labada xiddig ee dambe gabi ahaanka maqan yihiin xulka sabab la xidhiidha dhaawac.

Laakiin xiddiga Bellingham ayaan gabi ahaan lagu darin liiska xiddigaha xulka u matali doona kulamada Ireland iyo Finland.

Hadaba waa maxay sababta uu Jude Bellingham u seegayo kulanka caawa?

Nasiib darro, Bellingham ayaa ku dhaawacmay kulankii furitaanka ahaa ee uu u ciyaaray Real Madrid horyaalka La Liga bishii August.

Sidaas darteed xiddiga 21 jirka ah ayaa ka maqan garoomada tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here