Jude Bellingham oo u sheegay Borussia Dortmund inuu ka Tagaayo iyo Kooxda uu adaayo oo La Ogaaday.

Jude Bellingham ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegi doono Borussia Dortmund inuu doonayo inuu ka tago kooxda ka dib Koobka Adduunka .

19-sano jirkaan ayaa soo jiitay kooxo ay ka mid yihiin Liverpool , Manchester City , Real Madrid iyo Paris Saint-Germain , marka lagu daro dhowr kooxood oo kale oo Yurub ah.

Wargayska SportBILD ee ka soo baxa Jarmalka ayaa ku waramaya in Bellingham uu ku wargalin doono madaxda Dortmund rabitaankiisa ah in uu kooxda ka tago tartanka kadib, halkaas oo uu la dhacay hal gool iyo hal caawin.

Ciyaaryahanka aabihiis, hooyadiis iyo wakiilkiisa ayaa ka wada xaajoon doona ka tagistiisa kooxda Jarmalka, iyadoo aabihiis lagu soo waramayo inuu door biday u dhaqaaqista kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool.

Xiriirka dhow ee uu la leeyahay Trent Alexander-Arnold iyo Jordan Henderson intii ay ku guda jireen waajibaadka England ayaa kaliya ka dhigtay inay sare u qaaddo wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan u dhaqaaqida Anfield.

Sida wararku ay sheegayaan Real Madrid ayaa xiiso u qabta laakiin waxa ay horeba khadka dhexe ugu xidhatay xiddigo ay ka mid yihiin Aurelien Tchouameni , Eduardo Camavinga iyo Federico Valverde , mana aha bartilmaameedka koowaad ee Manchester City.

Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay ku iibin doonto 150 milyan oo euros (£ 130m) xiddigeeda, kaasoo qandaraas kula jira ilaa 2025.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*