Suua iibka ciyaartoydu waxa uu soo xidhmay waqti dambe oo xalay oo Jimce ahayd, kaddib saddex bilood oo ay kooxuhu ka shaqaynayeen sidii ay ula saxeexan lahaayeen ciyartooyo ay isku xoojiyaan, kuwo kalena iskaga diri lahaayeen.
Khabiirka ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa qiimayn ku sameeyey shantii saxeex ee ugu fiicnaa, waxaana uu kusoo daray xiddigo ay la wareegeen Real Madrid iyo Barcelona iyadoo kooxda tababare Xavi Hernandez ay saacadihii ugu dambeeyey ee uu suuqu xidhmayay la wareegtay laba ciyaartoy.
Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano ayaa yidhi: “Jude Bellingham oo tegay Real Madrid ayaa ahaa saxeex cajiib ah. Waxay ila tahay in Real Madrid ay safkeeda kusoo kordhisay ciyaartoy cajiib ah. Waxay kasoo bixiyeen lacag badan, laakiin waa ciyaartoy hadda iyo mustaqbalkaba ahh oo saamayn aan caadi ahayn ku yeeshay horyaalka La Liga.
“Waxa kale oo aan doonayaa in aan tilmaamo suuqa haweenka kubadda cagta. Ona Batlle ayaa Barcelona ay kala soo wareegtay Manchester United. Waxay ahayd difaacii midig ee ugu fiicnaa England iyo mid ka mid ah ciyaartoyda halbowlaha u ahaa kooxda Manchester United.”
Fabrizio Romano ayaa waxa uu intaas raaciyey: “Moises Caicedo oo Chelsea tegay ayaan a helay sababtoo ah Liverpool ayaa si aan la rumaysan karaynin ugu dagaallantay 48 saacadood.
“Hambalyo Liverpool, sababtoo ah waxay sameeyeen saddex saxeex oo fiican. Dominic Szoboszlai ayaa uga soo wareegay RB Leipzig. Liverpool uma fududayn wada-xaajoodkiisu, laakiin waa ciyaartoy ay hibadiisu sarrayso, waa laacib hoos loo dhigo qiimayntii uu lahaa, goolasha uu dhalin karo, caawinta, hal-abuurka iyo tayadiisa.”
Waxa kale oo uu Fabrizio Romano kusoo daray liiskiisa difaaca reer Croatia ee Josko Gvardiol oo ay Manchester City lasoo wareegtay xagaagan, waxaana uu noqday difaacii ugu qaalisanaa abid, isaga oo ka garab ciyaari doona Ruben Diaz iyo John Stones.