Jules Kounde ‘oo indha indheeyay guryo ku yaal London iyadoo lala xiriirinayo Chelsea

Daafaca kooxda Sevilla Jules Kounde ayaa lagu soo waramayaa in uu soo indha indheeyay guryo ku yaala magaalada London iyada oo lala xiriirinayo kooxda chelsea .

Ka dib bixitaankii Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen , Blues ayaa mudnaanta siineysa bartilmaameedyada daafaca xagaagan.

Waxa ay ku guulaysteen in ay helaan adeega Kalidou Koulibaly oo ka yimid Napoli, laakiin Chelsea ayaa wali doonaysa in ay wax badan ku soo kordhiso daafaceeda dambe.

Si la mid ah bartilmaameedka daafaca kooxda PSG ee Presnel Kimpembe , warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Blues ay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa Jules Kounde oo ka tirsan Sevilla.

Sida laga soo xigtay Football London , Chelsea ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka soo wareejinta 23 jirkan, kaas oo eegayay guryaha London.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*