Jules Kounde oo si maldahan u sheega in uu kooxdiisa ka tagayo Xagaagan

Photo/Reuters

Daafaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde ayaa bartiisa twitterka soo dhigay qoraal qarsoodi ah oo uu si maldahan u sheegayo in uu diyaar u yahay in uu baxo xilli ay kooxaha Man United iyo Chelsea isku wareegayaan.

23-sano jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo Stamford Bridge xagaagii hore, laakiin kooxda La  Liga ayaa hor istaagtay inuu u dhaqaaqo ka dib markii ay diiday dalab 42.8 milyan ginni ah .

Kooxda Isbaanishka ayaa diyaar u ahayd kaliya inay iibiyaan  daafaca dhexe ee Faransiiska  hadii ay macquul tahay iin lagu helo 69 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Manchester United  ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee gashay tartanka si ay u hesho adeegiisa , iyadoo sheegtay inay dooneyso inay ku lamaaneyso Raphael Varance.

Qoraalkiisa ayaa laga dheehan karay in uu ula jeedo ka tagista kooxda uu hada ku suganyahay iyo ku biirista kooxda chelsea sida Taageerayaashiisa barta Twitterka ku soo qoreen,

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*