Home Horyaalka Ingiriiska Jurgen Klopp: ‘Mohamed Salah waxa uu ku soo laaban doona tababarka Isniinta...

Jurgen Klopp: ‘Mohamed Salah waxa uu ku soo laaban doona tababarka Isniinta maanta’

0
Photo Getty

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Mohamed Salah laga tijaabiyay coronavirus isla markaana uu awoodi doono inuu ku laabto tababarka kooxda Merseyside Isniinta maanta

Salah ayaa lagu qasbay inuu seego kulankii Axadii ay 3-0 kaga badiyeen Leicester City, iyadoo weeraryahanka laga helay tijaabo ah inuu ku dhacay coronavirus intii uu gudanayay waajibaadka xulkiisa Masar horaantii bishaan.

28 jirkaan ayaa 10 maalmood oo karantiil ah wuxuu ku egyahay Isniinta, Macalin Klopp ayaa sidaasi xaqiijiyay.

“Taasi waa waxa aan maqlay, Waxaan u maleynayaa in hada kadib uu caadi noqonayo marka la eego tijaabooyinkiisa

“Wuxuu nala tababaran karaa berri, waxaa jira labo tijaabo labada maalmood ee soo socota marka waa la baari doonaa.”

Salah, oo dhaliyay 10 gool 13 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, ayaa laga yaabaa inuu soo laabto kulanka Arbacada ee Champions League ee Atalanta BC.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here